Sunday, June 26, 2016

Daniel Sturridge oo difaacay saaxiibkiis Sterling kadib eedeyntii uu la kulmay (Muxuu yiri)

Weerar yahanka xulka qaranka ingiriiska ee Daniel Sturridgeayaa difaacay saaxiibkiis Raheem Sterling kaas oo eedeyn la kulmay kulamadii uu ciyaaray euro 2016.Laacib kaan ayaa orin kala kulmay taageerayaasha xulka qaranka ingiriiska kuwaas oo dalbaday in dib loogu celiyo dalka kadib markii uu soo muujiyay qaab ciyaareed liita kulamadii Russia iyo Wales ee wareega guruubyada.Sturridge ayaa sheegay in ay yaryihiin ciyaartoyda da’da yar ugu ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda koowaad silamid ah sida uu sameeyay Raheem Sterling.“Suurogal kuuma ahan inaad xusuusato laacib 21 jir ah oo u ciyaara xulka qaranka iyo kooxda koowaad silamid ah sida uu sameeyay Raheem” ayuu yiri Daniel Sturridge.“Waa inaan ilaalinaa ilaa uu kamid noqonayo ciyaartoyda ugu fiican aduunka, waxaan aaminsanahay inuu gaari karo heerkaas isla markaana maalin uun aan dhihi doono waa mid kamid ah ciyaartoydaugu fiican aduunka”.“Waa inuu naftiisa si wayn ugu kalsoonaadaa, waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu xirfada badan aduunka ee ma ahan kaliya ingiriiska”.

No comments:

Post a Comment