Xulka Walez ayaa sii wata Riyadooda cajiibka ah ee sanadkaan tartanka EURO 2016, iyagoona goostay tikidkooda wareega sideed dhamaadka.Gareth Bale ayaa gacan ku lahaa goolka uu iska dhaliyey Gareth McAuley kaas oo ka oohisiiyey xulkiisa North Ireland ka dib markii uu xulkiisa si qalad ah uga dhaliyey goolka ay ku hareen.Hadaba shabakada ciyaaraha we kismayo sports ayaa xusaysa in markii ugu dambaysay ee xulka Walez gaaraan Sideed dhamaadka tartan wayn ahayd sanadkio 1958, koobkii aduunka ee xilligaas, waana meesha ugu wayn ee ay tartan wayn ka gaareen.
No comments:
Post a Comment