Monday, June 27, 2016
Hor Dhaca Spain Vs Italy : Kulan Ay Adag Tahay In Saadaalin Laga Bixiyo
Kulan adag ayaa caawa u dhaxeeya labada qaran ee lala xariinayo in midkood uu ku guuleysanayo koobka qaramada yurub ee ka socda dalka France , waxa ayna Spain iyo Italy wada ciyaarayaan wareegga 16-ka ee euro 2016-ka* Waa markii 4-aad ee ay labadaan qaran kulmayaan, waxa ay horay ugu kulmeen sedex jeer oo tartanka European Championships-ka*Kulankii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee ay Italy garacaan Spain waxa ay aheyd quarter finalkii koobka aduunka ee sanadkii 1994-tii xilligaas oo tababare Conte oo haatan hogaamiya qaranka Italy uu ka mid ahaa ciyaartooydii ka hor tagtay* Tan iyo mudadaas , Spain kaliya waxa ay guul dareysteen hal kulan oo ka mid ah 11 kulan oo ay ka hor tageen Italy (waxaa ku jira kulamada saaxibtinimo) waxa ay badiyeen 4 kulan halka 6 jeerna ay galeen bar bar dhac , iyadoo kulamadaas uu ku jiro kulankii sanadkii 2012-ka ee ee tartankaan ee Italy ku garaaceen afarta gool.* Guul daradii Azzuri ka soo gaartay dhawaan Republic of Ireland waxa ay aheyd guul daradii ugu horeeysay ee soo gaartay iyadoo tababare Conte hogaaminayo waxa ay bilaa guul darro ahaayeen 12kulan oo isku xiga , 9 waa badiyeen halka sedexna ay galeen bar bar dhac* Spain ayaa laga badiyay 3 kulan oo qeyb ka ah 6-doodii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka aduunka iyo European Champions
No comments:
Post a Comment