Sunday, June 26, 2016
Lewandowski & Ronaldo Oo Madaxa Islagalay, Xilli Xulalka Poland v Portugal Luqunta Islagaleen.
Poland iyo Portugal ay isku arki doonaan wareegasideed dhamaadka ee tartanka Euro 2016 ka dib markii ay labada xul ka soo gudbeen xulalka Switzerland iyo Croatia.Waxa uu noqon doonaa Mid CLASSICO AH, Kulanka wareega sideeda ee labadaan kooxood ayaa waxa uu dhacayaa maalinta khamiista 30ka bishaan Juun iyadoo ciyaarta ay ka dhici doonto garoonkaStade Vélodrome ee magaalada Marseille saacada geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo.Xulka Poland ayaa 120 daqiiqo oo ay kubad adag la ciyaartay ka dib waxa ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen xulka Switzerland kuwaasoo inta badan gacanta sarre lahaa ciyaarta, laakiin xulka Poland ayaa rigoore 5-4 ku badiyay ka dib gool ku laad uu Switzerland ka qasaariyay Granit Xhaka taasoo keentay inay iska u soo gudbaan wareega xiga.Xulka Wiilka Madrid ee Portugal ayaa iyagana u soo gudbay wareega sideeda ka dib markii ay gool iyo waxba kaga badiyeen xulka Croatia dhamaadka waqtigii dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, iyadoo Ricardo Quaresma uu dhaliyay goolka guusha xilli danbe.
No comments:
Post a Comment