Friday, June 24, 2016
Ronaldo oo ka hadlay kulanka xulkisa LA ciyaari doono xulka croatia
Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay ciyaarta uu xulka qarankiisu la ciyaari doono xulka qaranka Croatia wareega 16ka ee Euro 2016.Ronaldo ayaa u sheegay waregyska Football ee ka soo baxa Spain”xul kasta awood uma laha in uu garaaco xulka qaranka Spain waa in aan Ixtiraamnaa xulka Croatia waa xul fiican oo aad u awood weyn”Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano laakiin ma noqon doono kulan fudud anaguna ma rabno inaan lumino fursad aan ugu gudbi karno wareega xiga ee tartankan”Xiddigan ayaa hadalkiisa ku soo xidhay” U jeedadeenu waxa ay ahayd in aan ka badino xulkaHungary laakiin taasi ma aysan dhicin waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa in aan u gudbno wareega 16ka taasina way dhacday waxan rajaynayay in aan ku baxno kaalinta labaad laakiin Iceland ayaa ka guuleystay xulka Austria.Ronaldo ayaa dhaliyay 2 ka mid ah 3-dii gool ee xulka qarankiisu ka dhaliyay ciyaartii ay barbarahaku kala bexeen xulka qaranaka Hungary.
No comments:
Post a Comment