Monday, June 27, 2016

Arturo Vidal oo sheegay in uu ka xunyahay in xulkisa ay Ku qasbaan messi in uu ka fariisto ciyaaraha heerka calami

America) 27 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay in xulkiisu uu ku qasbo Messi ka fariisashada ciyaaraha caalamiga ah.
Messi ayaa ku guul daraystay 3 Final oo xulkiisa Argentina uu geeyay 3 sano oo xiriir ah taas ayaana ku qasabtay inuu qirto fashilkiisa dhanka xulka oo uu iska siibo funaanada.
“Waa ceeb inaan ogaado is casilaada Messi waqti xaadirkaan” ayuu u sheegay saxaafada kadib markii xulkiisu uu hantay Copa America.
“Waa wax xun inuu katago xulkiisa, laakiin waxaa jira sababo ku riixaya kuwaas oo ay adagtahay inaan ka hadlo” ayuu sii raaciyay.
“Eedeynta uu la kulmayo Messi waqti walba oo guuldaro timaado iyo masuuliyada isaga qoorta u suran ma ahan mid cadaalad ah, kamana caawinayso inuu wax walba hagaajiyo

No comments:

Post a Comment