Saturday, June 25, 2016
Poland Oo Switzerland Ka Abaal Marisay Fursadihihii Ay Qasaariyeen, Ka Dib 120 Daqiiqo Waxa Ay Ku Reebeen Rigoyaal Ay Isaga Xaadiriyeen Wareegga 8-da Ee Euro
Switzerland ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo cajiib ahaa oo laga dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee dhamaadka ciyaarta .Qeybta hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid isu dheelitiran oo ma jirin qaran si gooni u maamulyay ciyaarta waxa ayna aheyd mid u furan labada dhinac .Waxaa jiray fursado Switzerland iyo Poland iska qasaariyeen oo natiijada ciyaarta wax ka badali lahaa .Qeybtii labaad guud ahaan hal dhinac ayay ciyaarta aheyd waxaana si gooni u weerarar tamayay Switzerland kuwaasi oo kaliya oo uu ka maqnaa dhameytirka goolka .Kubadda waxaa si weyn u haysatay Switzerland halka Poland ay xerteen daafac adag halka ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .Xherdan Shaqiri iyo Admir Mehmed ayaa dhigayay wacdaro waxa ayna ciqaabeen Poland xilli Shaqiri gool ay u diiday birta balse sida hanaanka ciyaarta ay u wadeen waxa ay ahaayeen kuwo mudan in ay heleen goolka bar bar dhac .Xherdan Shaqiri dadaalkiisa waxa uu ku keenay inqarankiisa ugu dhaliyo goolka ugu qurxoon illaa haatan tartanka koobka qaramada yurub waxa uuna Poland ka dhaliyay gool cajiib ah oo maqas ahaa kaasi oo yimid daqiiqaddii 82-aad ee dhamaadka ciyaartaKa dib goolkaas saaxibada Xherdan Shaqiri waxaa laga filan karay goolka guusha oo cadaadis ayay sii saareen Poland balse nasiibka ayaa diiday waxa ayna ku dhaamatay bar bar dhac iyadoo lagu daray waqtiga dheeriga ee kala baxa .Waqtigii dheeriga ee qeybtiisa hore mar kale waxa ay labada qaran ku kala baxeen min halkii gool mana jrin halis gilin gaar ah oo dhacday .Switzerland qeybtii labaad ee waqtiga dheeriga fursado ayay iska cuneen halka goolhayaha Poland uu dhuunta u galay , waxaan guud ahaan wacnaa Switzerland waxa ayna ugu dambeyn aadeen rigooro tuurasho.Darabadii ugu horeeysay waxaa qaatay Switzerland waa ayna dhaliyeen halka laadkii 1-aad ee Poland-na ay dhaliyeen waxaana sidaas sameeyay Robert LewandowskiDarbadii labaad ee Switzerland waxaa laaday Granit Xhaka waana laga qabtay halka Poland ay dhaliyeen waxaana sidaas sameeyay Arkadiusz Milik, waxa ayn guud ahaan ku dhamaatay 4/5 oo ay guusha ku raacday Poland , waxa ay kooxda.com xuseysaa in Poland u tahay markii ugu horeeysay ee ay soo gaaraan taariikhdooda wareegga 8-da ee koobka qaramada yurub
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment