Monday, June 27, 2016

Hor Dhacan : Ingiriiska Vs Iceland : Labada Qaran Waligood Kulan Rasmi Ah Kuma Kulmin

Qaramada Ingiriiska iyo Iceland ayaa caawa wadaleh kulan adag oo ka tirsan wareegga 16-ka ee koobka qaramada yurub ee xagaagaan lagu qabtay France.Hadaba ma jirto xog taariikhi ah oo laga hayo labadaan qaran maadaama aysan waligood tartanrasmi ah isku arag .* Waa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ee labadaan qaran dhex mara.Waxa ay horay ugu kulmeen laba kulan oo saaxibtinimo iyadoo labadaas kulan ay iska dhaliyaan goolal isku geyntooda ay gaareyso 7 gool iyo laba waxaana 7-da gool lahaa Ingiriiska* Kulankii ugu horeeyay ee labadaas qaran ayaa dhacay sanadkii 1982-dii waxa ayna xilligaas ku kala baxeen bar bar dhac min hal gool ah halka kulankii labaad uu ahaa 2004-tii waxaana 6/1 ku badiyay IngiriiskaHadaba qarankii badiya Iceland ama Ingiriiska waxa ay ku aadayaan qaranka France oo ay isku arkayaan wareegga 8-da kuwaasi oo xalay 2/1 ku garaacay Ireland

No comments:

Post a Comment