Saturday, June 25, 2016

Wararkii igu dambeye ee suuqa kala iibsiga horyaalka England

Maalin Wanaagsan, Ramadan Kareem meel kasta oo aad joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, ku soo dhawaada barnaamijkeena taxanaha ee aan idiin kugu soo gudbino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, anagoo isha soo marinay inta badanwarbaahinta Yurub.Manchester United ayaa dagaal weyn kula jirta kooxda Real Madrid oo ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba. (The Sun)Barcelona ayaa ku dhawaaqi doonta saxiixa Samuel Umtiti oo ay kala soo wareegayaan Lyon maalmaha soo socda. Daafaca Faransiiska oo 22 sanno jir ah ayaa lala xiriirinayay kooxaha Tottenham iyo West Ham. (The Sun)Barcelona iyo tababare Luis Enrique ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegaan weeraryahanka Sevilla Kevin Gameiro marka ay xaqiijistaan mustaqbalka Neymar ee Camp Nou. (Daily Mail)
Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab 23 milyan ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Sporting Lisbon Islam Slimani ka dib markii ay ku hungoobeen Jamie Vardy. (Daily Star)Xiddiga kooxda Real Madrid James Rodriguez oo 24 sanno jir ah ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda ku guuleysatay Champions League oo uu ku biiri karo Man United laakiin waa haddii kooxda Old Trafford ka dhisan ay diyaar u tahay inay bixiso 50 milyan ginni. (Daily Mirror)Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso 22 sanno jirka daafaca kooxda Everton John Stones, halka kooxda Everton ayaa rajo ka qabto in 75 milyan ginni oo ay duldhigtay Romelu Lukaku inay keeni doonto in kooxaha xiiseynaya ay ka leexdaan 23 jirkaan. (Daily Express)Dhanka kale, Lukaku ayaa sheegay inuu deynayo wakiilkiisa inuu xaliyo mustaqbalkiisa. Xiddiga reer Belgium ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Chelsea. (Sky Sports)West Brom ayaa wadahadalo kula jirta Palermo oo ku aadan heshiis 14 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso kubadsameeyaha 27 sanno jirka ah Franco Vazquez, kaasoo ay kooxdiisa ku qiimeyneyso 19 milyan ginni. (Calcionews24)Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in kubadsameeyaha West Ham Dimitri Payet oo 29 sanno jir ah inuu horumarin karo koox kasta oo Yurub ka dhisan. (Daily Mirror)Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola ayaa taleefanka ka wacay xiddiga dhibtoonaya ee Ingariiska Raheem Sterling oo 21sanno jir ah. Sterling ayaa waxaa ku ooriyay qeybo ka mid ah jaamahiirta England kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Wales, mana uusan ciyaarin kulankii Slovakia. (The Guardian)Macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaala siiyay howl ah inuu kooxda ku soo celiyo afarta kaalimood ee ugu sareeya Premier League. Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta 10aad xilli ciyaareedkii hore. (Daily Mail)Sunderland, Manchester United, Everton iyo Sunderland ayaa dhamaantood ceyrsanaya xiddiga 21 sanno jirka Turkiga Ozan Tufan. Xiddiga khadka dhexe ee Fenerbahce ayaa dhaliyay gool kulankii ay dalkiisa 2-0 kaga badiyeen Czech Republic ee ciyaaraha Euro 2016. (Chronicle)Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer Spain Alvaro Morata oo 23 jir ah. Real Madrid ayaa dib u soo ceshatay weeraryahanka laakiin waxaa la filayaa inay sii iibiyaan weliba lacag faa’ido ah. (Squawka)Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis 30 milyan ginni ah kula soo wareegto xiddiga SouthamptonSadio Mane taasoo ku riixeysa Christian Bentekeinuu isaga tago Anfield. (Daily Mirror)

No comments:

Post a Comment