Saturday, June 25, 2016

Christian Benteke oo kusii dhawanaya inuu iskaga tago kooxda liverpool

Weerar yahanka reer Belgium ee kooxda Liverpool Christian Benteke ayaa ku sii dhawaanaya inuu isaga tago kooxdiisa Liverpool xaggaagan.
Star ayaa daaha ka qaaday in Liverpool ay aad ugu sii dhawaanayso saxiixa weerar yahanka Southampton ee Sadio Mane kaas oo soo jiitay indhaha tababare Klopp.
Liverpool ayaa diyaar la ah 30 milyan oo Ginni laakiin Southampton ayaa aaminsan in Sadio Mane uusan kooxda uga tagikarin wax kayar 40 milyan oo Ginni.
  
Saxiixa Mane ee kooxda Liverpool ayaa wadada u furaya Christian Benteke inuu isaga tago garoonka Anfield oo uu ku qaatay kaliya hal xiliciyaareed.Christian Benteke ayaa uga soo dhaqaaqayLiverpool kooxda Aston Villa xaggaagii hore markaas oo Reds ay miiska saartay 32.5 milyan oo Ginni.

No comments:

Post a Comment