Sunday, June 26, 2016
Germany Oo Cagta Mariyey Slovakia, Boateng, Gomez Iyo Draxler Oo Goolasha Ku Deeqay, Xilli Özil Rigoore Ka QasaariyeyXulkiisa.
Xulka Germany ayaa cagta mariyey xulka Slovakia iyagoona hoosta u geliyey 3:0. Jerome Boateng, Mario Gomes iyo Julian Draxler ayaa sadexda gool hadyad uga dhigay wiilasha haysta koobka aduunka, xilli laacibka qaranka ee Mesut Özil uu rigoore ku qubaystayXulka Germany ayaa garoonka soo galay iyagoo ka go’an tahay inay xilli hore kala diraan xulka Slovakia, iyadoo labada macalin ay kusoo gakeen shaxahooda ugu fiicnaa kulankaan.SHAXDA RASMIGA AHAYD:Germany: Neuer; Kimmich, Boateng, Hummels, Hector; Kroos, Khedira; Müller, Özil, Draxler; Gomez.Slovakia:Kozacik, Pekarik, Skrtel, Durica, Gyomber, Weiss, Hrosovsky, Skriniar, Hamsik, Kucka, Duris.Wax badan ma aysan sugayn goolkooda furitaanka wiilasha haysta koobka aduunka, daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Almaania ayaa koorno kasoo xoortay baalka midig, laakiin daafaca Slovakia ayaa kubada iska soo bixiyey, laakiin kubaddii soo laabatay oo aan dhulka taaban ayaa waxaa shuut lala dhacay banaanka kaga soo qabtay Jeromi Boateng kaas hogaanka u dhiibay xulkiisa Germany.Keliya shan daqiiqo ka dib xulka Deutschland ayaa qarka u fuulay inay ciyaarta xilli hore la kala baxo, ka dib markii Rigoore loo dhigay ka qasaariyey Mesut Ozil, laakiin wiilka Arsenal ayaa fashil kala kulmay.Daqiiqad ka dib Ozil ayaa ku dhowaaday inuu qaladkiisa saxo ka dib markii kubad uu soo madaxeeyey Gomes oo sideeda ugu qabtay, laakiin nasiib daro birta ayeey sii salaantay ka horintaysan banaanka si halis ah ugu bixin.Fursadii ugu horaysay ee ciyaarta Slovakia ayaa timid daqiiqadii 40-aad kubad halis ahayd oo karoos dhanka bidix ka yimid ayaa waxa madaxa la helay Kuca, laakiin nasiib wanaagsan Manuel Neuer ayaa isticmaalay heerkiisa caalami isagoona kubada fartiisa dhexe oo keliya u isticmaalay inuu iska saaro.Iyadoo sadex daqiiqo ka dhiman tahay ciyaarta xulka Germany ayaa kulanka hurdo u diray iyagoona dhaliyey goolkooda labaad ee ciyaarta.Julian Draxler ayaa dhanka midig wado kasoo furtay, isagoona haafayn usoo sawiray midka midah daafaca Slovakia, waxana uu kubaddii ku quudiyey Gomes kaas goolka labaad qalinka, sidaas ayaana lugu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta.Markii ka isku laabtay qaybta dambe ee ciyaarta xulka Slovakia ayaa lasoo baxay qaab ciyaareed ka fiican qaybta hore.Fursadii ugu horaysay ee Slovakia ayaa timid daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta markii kubad weerarrogaal celis ahayd uu markale ka fashiliyey goolhaye Neur.Ugu dambayn kulanka ayaa isku soo dhamaaday, Julian Draxler ayaa dhaliyey goolka sadexaad ee ciyaarta ee xulkiisa, waxayna la micno ahayd inay sidaas ciyaarta kusoo dhamaatay oo Almaania Tikidkooda wareega Sideed dhamaadka ku goosteen
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment