Sunday, June 26, 2016

Wararkii ugu dambeyay suuqa kala iibsiga iyo wargeysyada waxee qoreyn

(Europe) 26 Juunyo 2016.Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.Halka hoose ka aqri:Man United ayaa laga doonayaa inay jabisorikoodhka suuqa kala iibsiga ee ah 85.3-milyan oo bound si ay ula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee JuventusPaul Pogba. 23-jir.(Sunday Telegraph).Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa aaminsan inuuu la soo saxiixan doono daafaca Everton John Stones, laakiin Chelsea iyo Man United ayaa weli xiiseynaya 22-jirka reer England.(Sun).Macallinka Arsenal Arsene Wenger ayaa lagu wadaa inuu la kulmo wakiilada weeraryahanka naadiga Lyon Alexandre Lacazette, laakiin wuxuu tartan kala kulmi doonaa Atletico Madrid iyo West Ham oo isku dayaya inay la soo saxiixdaan 25-jirkan.(Sunday Mirror).Jose Mourinho ayaa ka careysan in Man United ilaa iminka la soo wareegtay uun 22-jirka daafaca ka ciyaara ee Eric Bailly.(Manchester Evening News).Tottenham ayaa ayaa tartan kala kulmeysakooxda reer France ee PSG doonisteeda kuaadan weeraryahanka AZ Alkmaar Vincent Janssen, 22-jir.(L’Equipe – in French).Man United ayaa ku sii dhawaaneysa saaxiixa xiddiga qadka dhexe ee reer Armenia Mkhitaryan 27-jir iyo weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic 34-jir.(Observer).Bayern Munich ayaa si wayn ula dhacsan bandhigyada uu Eric Dier, 22-jir uu ka sameynayo Euro 2016 oo uu qeyb ka yahayxulkiisa England.(Sunday People).Xiddiga qadka dhexe ee reer Germany Bastian Schweinsteiger, 31-jir ayaa la arkaa inuu isaga tago gegad Old Trafford ee kooxda Man United.(Manchester Evening News).
Weeraryahanka reer Brazil Neymar 24-jir ayaa lagu wadaa inuu heshiis afar sano ah qallinka ugu duugo Barcelona oo ay qeyb ka tahay 186-milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.(Mundo Deportivo via Mail on Sunday).Tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho ayaa ku kalsoon in dalab 30-milyan ah ay ku filnaan doonto inuu la soo saxiixdo 22-jirka qadka dhexe ee naadiga Wolfsburg Julian Draxler.(Star on Sunday).Tababaraha cusub ee Everton Ronald Koeman ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo26-jirka qadka dhexe kaga ciyaara Man United Morgan Schneiderlin.(Sunday Mirror).Stoke City ayaa usbuucan dhameystiri doonta saxiixa 22-jirka weerarka kaga ciyaara West Brom ee Sadio Berahino 16-milyan oo bound.(Sunday People).Leicster City ayaa heshiis afar sano ah ka saxiiatay weeraryahanka da’da yar ee naadiga Rayo Vallecano Raul Uche, 18-jir sida uu sheegayo weeraryahanka reer Spain(AS via Leicester Mercury).

No comments:

Post a Comment