Saturday, June 25, 2016
Tariikhda ciyaaraha ee kismayo from A to Z.....
Allkisima)-Sida ay taariikhda qoreyso G/J/Hoose waxaa uu soo maray heerar kala duwan dhanka K/Cagta waxaana xusid mudan in laga sheekeeyoguulihii laga gaaray K/cagta sannadihii toddobaatameeyadii.Sannadka markuu ahaa 1973-xulkii G/J/Hoose kismaayo waxa uu ahaa xul lagu kalsoonyahay ooay u xuleen dad aad ugu xeeldheeraa macluumaadka K/Cagta isla-markaana hiwaayaddoodu ay aheyd K/Cagta.Waxaa xusid mudan oo Raggaas Ka mid ahaa oo sanadikii 1973dii una sabab ahaa guulihii la gaaray marka laga tago laacibintii sannad-ciyaaraadkaas K/Cagta ee gobolka J/Hoose waxaa ka mida ahaa:-1-Marxuum Geelle Cilmi Faahiye-(Kaba-jiiq).2-Marxuum/C/llahi Max’ed Aden Antonio.3-Mr-Barroodi-(ITALIAN-SOMALIAN).4-Mr-CARLO-ITALIAN-SOMALIAN).5-Mr-C/Qaadir Max’ed Cali-(Macallin-Qariidi).Affarta nin oo aan Magacyadooda halkan ku xusnay ee Guddigii sannadkaas xulka xushay waxaa shan ku ahaa Macallinkii sannadkaa (C/Qaadir Max’ed Cali=Qariidi).ee Sannadkaas 1973-Sida sawirka ka muuqata.Waxaa xusid mudan oo sannadkaas aad u xiisaa badnaa ciyaarihii gobollada K/Cagta sannadkaas 1973dii,haddaii aan wax yar aan ka shakeyno isla-sanndkaa markii ay isku soo hareen SEMI-FINALE kooxaha Kala ah:-(A)-Banaadir & Hargeysa.(B)-Kismaayo & BURCO.Haddaba Semi finaalahaas isaga ah oo ay isugu soo bexeen 4ta Kooxood ee kor aannu ku xusanay ,waxaa cayaartii koowaad ay dhex-martay hargeysa & Banaadir waxaana waqtigii loogu tala-galay ay ku dhamaatay (1-0)..Oo ay guushu ku raacday-G/W/Galbeed ee hargeysa oo usoo istaagay Finaale.Cayaartii labaad ee maalintii labaad ayaa waxa ay dhex-martay Gobollada J/Hoose & Togdheer oo aad u kululeed waxaana xilligii loogu tala-galay ayku soo geba-gabowday (2-1)..oo Ay guushu ku Raacday G/J/Hoose Kismaayo-Oo noqday Kooxdii labaad oo Fiinaale U-soo istaaga,waxaana goolashaas ukala -saxiixay mr-Xassan Cafiifi Yaxya oo isagu ka ciyaarayey NO:-(7),Goolkii labaadna waxaa u saxiixay magaalada kismaayo (Mr-Abshir Shire Muuse(BIDDE)-galbtaas dadka taageera kismaayo waxa ay ula-bexeen magac waxaana uu ahaa (ABSHIR-BIDDE &BURCO,waayo goolkii burco ay ku hareen ayuu ka dhaliyey.Waxaa kale galabahaas Xusid mudan in dalka Soamalia magaala madaxdisa muqdisho ay ku sugnaayeen koox ka socotay dalka(BARAZIL Oo Lagu magacaabi jirey ABC-NATAL)-waxaana ay codsadeen in ay kismaayo la cayaari-doonaan markii ciyaaraha gobollada ay dhammaadaan waxaana ay qalinka ku duugeen macallimiintii wattay kooxdaas in kismaayo ay koobka qaadayaan,oo aan la celin karin,isla-markaana ay ka sarreeyaan ciyaaraha heer gobol.Waxaa kale oo xusid mudan in affar maalmood la nastay oo cayaartii kama dambeysta aheyd ee J/Hoose & W/Galbeed ay ka soo qeyb-galeen M/weynihii dalka somalia xilligaas marxuum Max’ed Siyaad Barre & M/weynihii dalka UGanda Ee Xilligaas Marxuum..Al-xaji IDDI AMINI Dada,& Marti sharaf kale & Dadweyne faro-badan STADIOKonis Muqdisho.Haddaba galbtaas markii ay billaabatay cayaartaas fiinalaha aheyd sida la wada rumeysanyahay cayaartaas waxa ay aheyd mid aad u-xiiso badan,waxaana aad looga yaabay galbtaas labada kooxood ee Hargeysa & Kismaayo waayo waxa Ay muujiyeen cayaar aad u-dag,oo farsamadeedu aanay sahlaneen,waxaana xusid mudan in cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay (0&0).Qeybtii labaad ee Ciyaarta,oo inta badan dadka ayrumeysnaayeen in ay noqoneyso RIGOORAYAAL-ayaa xaalkaas waxaa Gashaanka ku dhuftay(Mr-Ibraahim Axmed Cali “SHAASH”-oo xilligaas ahaa -gool-dhaliyihii koowaad ee G/J/Hoose waxaana uu ka cayaarayey No:-9aad daqiiqaddii 61aad,waxaana cayaartii galabtaas ay ku soo geba-gaboowday 1-gool & 0)-oo ay kismaayo guushu vku raacday.Dhammaan xaaladahan & guulaha la-taaban karowaxa ay markhaati ka yihiin in maamulka (SPORTI-ee G/J/Hoose..Gaar K/Cagta)-uu ahaa mid caddaalad ku dhisan,oo musuq-Maasuq uusan ku jirin,sannaddii 1973dii.,Waloow sannadihii dambe gaar ahaan 19078ddii wixii ka mdambeeyey uu jirey jmusuqmaasuq aadloo qarinaayey.Ugu dambeyntiina galabtaas G/J/Hoose waxaa halkaas koobka horyaalka K/Cagta Gobollada Dalka Somaliya ku guddoonsiiyey M/weynihii Ummadda Soomaaliyeed Marxuum-(Max’ed Siyaad Barre).XUSID…GAAR AH:-Xulkii sannadkaas & Magacyadii Raggaas waa sidan hoos ku Qoran waxaana ka mid ah:-.KOr-Ragga Taagan waa difaacii sannadkaas sida ay u-dhanyihiin,kuwa fadhiya kulli waa weerarkii marka laga saaro Goolhayihii labaad eeSannadkaas……………..1973.Mr-GUHAAD
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment