Sunday, June 26, 2016
Ka Dib 120 Daqiiqo Portugal Oo Goostay Tikidkooda Sideed Dhamaadka EURO 2016, Quarezma Oo Ciyaartaan Go’aamiyeyDaqiiqadihii Ugu Dambeeyey, Iyo Croatia Oo Looga Oohiyey Luguna Ciqaabay Fursadihii Ay Iska Qasaariyeen.
Xulka Portugal ayaa si dhib badan ku carbuuntay Tikidkooda wareega sideed dhamaadka EURO 2016, ka dib markii ciyaar 120 daqiiqo la isku raftay 1: 0 uga oohiyeen xulka Croatia.Labada xul ayaa ku biloowday qaab ciyaareed daafac ku dhisan qaybta hore ee ciyaarta iyadoona xulalka Portugal iyo Croatia u ekaayeen kuwo kala baqaya.Fursada keliya ee qaybta hore ciyaarta timid ayaa waxaa helay xiddiga daafaca xulka Portugal ee Pepe kaas oo kubad gool loo fishay oogada sare mariyey.Barbaro 0:0 ah ayaa lugu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta ka dib ciyaar lugu hurdooday oo labada xul aoo bandhigeen.Markii la isku laabtay qabta dambe ee ciyaata xulka Croatia ayaa lasol bwxau qaybta dambe iyagoona hawada ka qariyey.Fursadii ugu horaysay qaybta dambe ayaa waxa helay xiddiga numberka 21-aad u wata xulka Croatia ee Vita kaas oo kubad gool loo fishay oogada sare mariyey.Renato Sanchez iyo William Carvalho ayaa ahaa labada wiil ee xulka Portugal sida dayaxa uga birqayey, Carvalho ayaa kala xirtay khadka dhexe ee ciyaarta halka wiilka cusub ee Bayern Munich Renato uu kala dhantaalay daafaca xulka Croatia.Ka dib ciyaaar kale oo kubad hayn iyo daafac adayg iyo taageerayaal xamaasadaysan u badnayd ayaa keentay in 90-ka daqiiqo kusoo dhamaato 0:0, C.ronaldo oo ahaa ninka xulkiisa ku tashanayeen ayaa ciyaarta marqaati ka ahaa mana jirin wax isku day ah oo uu sameeyey ciyaarta, ugu dambayn coyaarta ayaa lugu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah si labada xul u kala baxaan.Markii la isku laabtay ciyaarta xulka Croatia ayaa sii watay qaab ciyaareedkooda fiican, halka Ricardo Queresma oo bedel loogu keenay Portugal qaybta dambe ee ciyaarta wax badan ka bedalay.Fursadii ugu fiicnayd ee daqiiqadaaan ayaa waxa helay xiddiga Vita kaas oo kubad Koorno ahayd oo lasoo qaaday madaxeeyey, goolhayaha Portugal oo qalad sameeyey ayaana qalad wayn ku lahaa isagoo kubadii uu soo doontay la dabi mariyey, laakiin nasiib daro si ciriiri ah ayeey oogada sare kumartay.Laakiin Ugu Dambayn daqiiqadii 117-aad ee ciyaarta ayaa la kala baxay, Ronaldo ayaa soo qaatay kubad weerar celis ah, waxana uu farta ka saaray Renato kaas kubadda si cajiib leh usoo jiitay, waxa uu farta ka saaray Nani kaas oo kubadii uu darbeeyey u tagtay Ronaldo, xiddiga Real ayaa waxaa iami daygiisii ka diiday goolhayaha Croatia, laakiin kubadii soo laabatay ayaa waxaa ku celiyey Ricardo Quarezman kaas oo dhaliyey goolka muhiimka ahaa ee ciyaartaan dilay.Croatia iska dhiibin waxay heleen labo fursadood oo halis ah oo.ciyaart kusoo laaaban kareen, laakiin daafaca Portugal ayaa diiday inay iska beeldareeyaan fursadaan kuwaas oo si wayn goolkooda u difaacday.Vida ayeey hurdo kala tegayaan caawa ka dib markii daqiiqdii ugu dambaysay uu fursad halis ah xulkiisa Croatia ka beeldareeyey, waxana ciyaarta ugu dambayn kusoo dhamaatay 1:0 oo ay guusja ku raacsay Portugal.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment