Wednesday, June 29, 2016
Sheeg oo hel abaal Marin lacageed......
Shabakada ciyaaraha ee kismayo sports ayaa balan qadeso ciddii sheegto labada kooxood ee ciyaarta ugu dambeyso is kugu imaan doonto koobka qaramada qarada yurub, inee helli doonto abaal Marin lacageed oo gareso 50$ dollar. Hadaba Ku guleyso abaal marintas lacageed
Tuesday, June 28, 2016
Liverpool oo saxiix cusub sameysay
Liverpool ayaa hashiis afar sano ah LA saxiixatay laacibka southamtom ee rer senigal. Laacibkan heerka calami ah ayee waxe kula soo waregtay aduun lacageed garaya 34 million euro. Laacibkan heerka calami ah ayaa wax weyn ka badali doono weerarka liita ee kooxda Liverpool sida uu aminsanyahay falanqeyaha weyn ee heybe abdikadir
Monday, June 27, 2016
Arturo Vidal oo sheegay in uu ka xunyahay in xulkisa ay Ku qasbaan messi in uu ka fariisto ciyaaraha heerka calami
America) 27 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay in xulkiisu uu ku qasbo Messi ka fariisashada ciyaaraha caalamiga ah.
Messi ayaa ku guul daraystay 3 Final oo xulkiisa Argentina uu geeyay 3 sano oo xiriir ah taas ayaana ku qasabtay inuu qirto fashilkiisa dhanka xulka oo uu iska siibo funaanada.
“Waa ceeb inaan ogaado is casilaada Messi waqti xaadirkaan” ayuu u sheegay saxaafada kadib markii xulkiisu uu hantay Copa America.
“Waa wax xun inuu katago xulkiisa, laakiin waxaa jira sababo ku riixaya kuwaas oo ay adagtahay inaan ka hadlo” ayuu sii raaciyay.
“Eedeynta uu la kulmayo Messi waqti walba oo guuldaro timaado iyo masuuliyada isaga qoorta u suran ma ahan mid cadaalad ah, kamana caawinayso inuu wax walba hagaajiyo
Hor Dhaca Spain Vs Italy : Kulan Ay Adag Tahay In Saadaalin Laga Bixiyo
Kulan adag ayaa caawa u dhaxeeya labada qaran ee lala xariinayo in midkood uu ku guuleysanayo koobka qaramada yurub ee ka socda dalka France , waxa ayna Spain iyo Italy wada ciyaarayaan wareegga 16-ka ee euro 2016-ka* Waa markii 4-aad ee ay labadaan qaran kulmayaan, waxa ay horay ugu kulmeen sedex jeer oo tartanka European Championships-ka*Kulankii ugu dambeeyay ee rasmi ah ee ay Italy garacaan Spain waxa ay aheyd quarter finalkii koobka aduunka ee sanadkii 1994-tii xilligaas oo tababare Conte oo haatan hogaamiya qaranka Italy uu ka mid ahaa ciyaartooydii ka hor tagtay* Tan iyo mudadaas , Spain kaliya waxa ay guul dareysteen hal kulan oo ka mid ah 11 kulan oo ay ka hor tageen Italy (waxaa ku jira kulamada saaxibtinimo) waxa ay badiyeen 4 kulan halka 6 jeerna ay galeen bar bar dhac , iyadoo kulamadaas uu ku jiro kulankii sanadkii 2012-ka ee ee tartankaan ee Italy ku garaaceen afarta gool.* Guul daradii Azzuri ka soo gaartay dhawaan Republic of Ireland waxa ay aheyd guul daradii ugu horeeysay ee soo gaartay iyadoo tababare Conte hogaaminayo waxa ay bilaa guul darro ahaayeen 12kulan oo isku xiga , 9 waa badiyeen halka sedexna ay galeen bar bar dhac* Spain ayaa laga badiyay 3 kulan oo qeyb ka ah 6-doodii kulan ee ugu dambeeyay ee koobka aduunka iyo European Champions
Hor Dhacan : Ingiriiska Vs Iceland : Labada Qaran Waligood Kulan Rasmi Ah Kuma Kulmin
Qaramada Ingiriiska iyo Iceland ayaa caawa wadaleh kulan adag oo ka tirsan wareegga 16-ka ee koobka qaramada yurub ee xagaagaan lagu qabtay France.Hadaba ma jirto xog taariikhi ah oo laga hayo labadaan qaran maadaama aysan waligood tartanrasmi ah isku arag .* Waa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ee labadaan qaran dhex mara.Waxa ay horay ugu kulmeen laba kulan oo saaxibtinimo iyadoo labadaas kulan ay iska dhaliyaan goolal isku geyntooda ay gaareyso 7 gool iyo laba waxaana 7-da gool lahaa Ingiriiska* Kulankii ugu horeeyay ee labadaas qaran ayaa dhacay sanadkii 1982-dii waxa ayna xilligaas ku kala baxeen bar bar dhac min hal gool ah halka kulankii labaad uu ahaa 2004-tii waxaana 6/1 ku badiyay IngiriiskaHadaba qarankii badiya Iceland ama Ingiriiska waxa ay ku aadayaan qaranka France oo ay isku arkayaan wareegga 8-da kuwaasi oo xalay 2/1 ku garaacay Ireland
Sunday, June 26, 2016
Daniel Sturridge oo difaacay saaxiibkiis Sterling kadib eedeyntii uu la kulmay (Muxuu yiri)
Weerar yahanka xulka qaranka ingiriiska ee Daniel Sturridgeayaa difaacay saaxiibkiis Raheem Sterling kaas oo eedeyn la kulmay kulamadii uu ciyaaray euro 2016.Laacib kaan ayaa orin kala kulmay taageerayaasha xulka qaranka ingiriiska kuwaas oo dalbaday in dib loogu celiyo dalka kadib markii uu soo muujiyay qaab ciyaareed liita kulamadii Russia iyo Wales ee wareega guruubyada.Sturridge ayaa sheegay in ay yaryihiin ciyaartoyda da’da yar ugu ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda koowaad silamid ah sida uu sameeyay Raheem Sterling.“Suurogal kuuma ahan inaad xusuusato laacib 21 jir ah oo u ciyaara xulka qaranka iyo kooxda koowaad silamid ah sida uu sameeyay Raheem” ayuu yiri Daniel Sturridge.“Waa inaan ilaalinaa ilaa uu kamid noqonayo ciyaartoyda ugu fiican aduunka, waxaan aaminsanahay inuu gaari karo heerkaas isla markaana maalin uun aan dhihi doono waa mid kamid ah ciyaartoydaugu fiican aduunka”.“Waa inuu naftiisa si wayn ugu kalsoonaadaa, waa mid kamid ah ciyaartoyda ugu xirfada badan aduunka ee ma ahan kaliya ingiriiska”.
Mezut Ozil Oo Rikoor Xun Ka Dhaxlay Saaxiibkiis Lukaz Podolski.
Özil ayaa malaha xoogaa dhaliil yar kala kulmaya inuu xulkiisa Germany ka cunay rigoore kulankii caawa ee Slovakia.Xulka Almaania ayaa goostay tikidkooda wareega8-da ee EURO 2016, ka dib markio ay cagta nariyeeen xulja Slovakia oo ay ku sharaabeen 3:0.Hadaba ayaa xusaysa in Mezut Özil uu noqday xiddigii ugu horeeyey ee xulkiisa Rigoore ka qasaariya Tartan wayn, tan iyo Lukas Podolski oo Rigoore ka Qasaariyey koobkii aduunka 2010 ee uu ka hortagay xulka Serbia.
Germany Oo Cagta Mariyey Slovakia, Boateng, Gomez Iyo Draxler Oo Goolasha Ku Deeqay, Xilli Özil Rigoore Ka QasaariyeyXulkiisa.
Xulka Germany ayaa cagta mariyey xulka Slovakia iyagoona hoosta u geliyey 3:0. Jerome Boateng, Mario Gomes iyo Julian Draxler ayaa sadexda gool hadyad uga dhigay wiilasha haysta koobka aduunka, xilli laacibka qaranka ee Mesut Özil uu rigoore ku qubaystayXulka Germany ayaa garoonka soo galay iyagoo ka go’an tahay inay xilli hore kala diraan xulka Slovakia, iyadoo labada macalin ay kusoo gakeen shaxahooda ugu fiicnaa kulankaan.SHAXDA RASMIGA AHAYD:Germany: Neuer; Kimmich, Boateng, Hummels, Hector; Kroos, Khedira; Müller, Özil, Draxler; Gomez.Slovakia:Kozacik, Pekarik, Skrtel, Durica, Gyomber, Weiss, Hrosovsky, Skriniar, Hamsik, Kucka, Duris.Wax badan ma aysan sugayn goolkooda furitaanka wiilasha haysta koobka aduunka, daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Almaania ayaa koorno kasoo xoortay baalka midig, laakiin daafaca Slovakia ayaa kubada iska soo bixiyey, laakiin kubaddii soo laabatay oo aan dhulka taaban ayaa waxaa shuut lala dhacay banaanka kaga soo qabtay Jeromi Boateng kaas hogaanka u dhiibay xulkiisa Germany.Keliya shan daqiiqo ka dib xulka Deutschland ayaa qarka u fuulay inay ciyaarta xilli hore la kala baxo, ka dib markii Rigoore loo dhigay ka qasaariyey Mesut Ozil, laakiin wiilka Arsenal ayaa fashil kala kulmay.Daqiiqad ka dib Ozil ayaa ku dhowaaday inuu qaladkiisa saxo ka dib markii kubad uu soo madaxeeyey Gomes oo sideeda ugu qabtay, laakiin nasiib daro birta ayeey sii salaantay ka horintaysan banaanka si halis ah ugu bixin.Fursadii ugu horaysay ee ciyaarta Slovakia ayaa timid daqiiqadii 40-aad kubad halis ahayd oo karoos dhanka bidix ka yimid ayaa waxa madaxa la helay Kuca, laakiin nasiib wanaagsan Manuel Neuer ayaa isticmaalay heerkiisa caalami isagoona kubada fartiisa dhexe oo keliya u isticmaalay inuu iska saaro.Iyadoo sadex daqiiqo ka dhiman tahay ciyaarta xulka Germany ayaa kulanka hurdo u diray iyagoona dhaliyey goolkooda labaad ee ciyaarta.Julian Draxler ayaa dhanka midig wado kasoo furtay, isagoona haafayn usoo sawiray midka midah daafaca Slovakia, waxana uu kubaddii ku quudiyey Gomes kaas goolka labaad qalinka, sidaas ayaana lugu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta.Markii ka isku laabtay qaybta dambe ee ciyaarta xulka Slovakia ayaa lasoo baxay qaab ciyaareed ka fiican qaybta hore.Fursadii ugu horaysay ee Slovakia ayaa timid daqiiqadii 52-aad ee ciyaarta markii kubad weerarrogaal celis ahayd uu markale ka fashiliyey goolhaye Neur.Ugu dambayn kulanka ayaa isku soo dhamaaday, Julian Draxler ayaa dhaliyey goolka sadexaad ee ciyaarta ee xulkiisa, waxayna la micno ahayd inay sidaas ciyaarta kusoo dhamaatay oo Almaania Tikidkooda wareega Sideed dhamaadka ku goosteen
Ceebtii Ma Ahane, Waa Caadadii!! Olivier Giroud Oo Noqday Ninka Ugu Kubad Taabashada Yaraa Kulankii France Vs Ireland
ninkii la filayey ee weerarka dhan xulka France oo la rabay inuu bedel u noqdo Benzema ayaa kulankaan daawade ka ahaa.Olivier Giroud ayaa markale soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh oo uu kala kulmay dhaleecayn wayn taageerayaasha xulka France, laakiin ha ilaawin kistoo amaan ah ayuu ku leeyahay goolka guusha maadaama uu madaxa ugu baasay Antonio Griezmann ka hor inta uusan France hogaanka u dhiibin.Hadaba shabakada ciyaaraha kismayo sports ayaa xusaysa in Olivier Giroud uu ahaa ninka ugu taabashada yaraa kulankii Galabta, isagoona taabtay keliya 18 mar, ma sidaas ayuu Francd gacanta ugu gelinayaa EURO 2016? wa maya Gignac ha saftaan kulamada ugu soo horeeya
Wararkii ugu dambeyay suuqa kala iibsiga iyo wargeysyada waxee qoreyn
(Europe) 26 Juunyo 2016.Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.Halka hoose ka aqri:Man United ayaa laga doonayaa inay jabisorikoodhka suuqa kala iibsiga ee ah 85.3-milyan oo bound si ay ula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee JuventusPaul Pogba. 23-jir.(Sunday Telegraph).Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa aaminsan inuuu la soo saxiixan doono daafaca Everton John Stones, laakiin Chelsea iyo Man United ayaa weli xiiseynaya 22-jirka reer England.(Sun).Macallinka Arsenal Arsene Wenger ayaa lagu wadaa inuu la kulmo wakiilada weeraryahanka naadiga Lyon Alexandre Lacazette, laakiin wuxuu tartan kala kulmi doonaa Atletico Madrid iyo West Ham oo isku dayaya inay la soo saxiixdaan 25-jirkan.(Sunday Mirror).Jose Mourinho ayaa ka careysan in Man United ilaa iminka la soo wareegtay uun 22-jirka daafaca ka ciyaara ee Eric Bailly.(Manchester Evening News).Tottenham ayaa ayaa tartan kala kulmeysakooxda reer France ee PSG doonisteeda kuaadan weeraryahanka AZ Alkmaar Vincent Janssen, 22-jir.(L’Equipe – in French).Man United ayaa ku sii dhawaaneysa saaxiixa xiddiga qadka dhexe ee reer Armenia Mkhitaryan 27-jir iyo weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic 34-jir.(Observer).Bayern Munich ayaa si wayn ula dhacsan bandhigyada uu Eric Dier, 22-jir uu ka sameynayo Euro 2016 oo uu qeyb ka yahayxulkiisa England.(Sunday People).Xiddiga qadka dhexe ee reer Germany Bastian Schweinsteiger, 31-jir ayaa la arkaa inuu isaga tago gegad Old Trafford ee kooxda Man United.(Manchester Evening News).
Weeraryahanka reer Brazil Neymar 24-jir ayaa lagu wadaa inuu heshiis afar sano ah qallinka ugu duugo Barcelona oo ay qeyb ka tahay 186-milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa.(Mundo Deportivo via Mail on Sunday).Tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho ayaa ku kalsoon in dalab 30-milyan ah ay ku filnaan doonto inuu la soo saxiixdo 22-jirka qadka dhexe ee naadiga Wolfsburg Julian Draxler.(Star on Sunday).Tababaraha cusub ee Everton Ronald Koeman ayaa doonaya inuu la soo saxiixdo26-jirka qadka dhexe kaga ciyaara Man United Morgan Schneiderlin.(Sunday Mirror).Stoke City ayaa usbuucan dhameystiri doonta saxiixa 22-jirka weerarka kaga ciyaara West Brom ee Sadio Berahino 16-milyan oo bound.(Sunday People).Leicster City ayaa heshiis afar sano ah ka saxiiatay weeraryahanka da’da yar ee naadiga Rayo Vallecano Raul Uche, 18-jir sida uu sheegayo weeraryahanka reer Spain(AS via Leicester Mercury).
Kulumada koobka qaramada yurub oo manta ilaa cawa LA ......
Kulamada koobka qaramada yurub ee manta ilaa cawa LA ciyaari Dino.
France vs Ireland 16:00 xiliga kismayo
Germany vs Slovakia 17:00 xiliga kismayo
Hungry vs belgium 22:00 xiliga kismayo
France vs Ireland 16:00 xiliga kismayo
Germany vs Slovakia 17:00 xiliga kismayo
Hungry vs belgium 22:00 xiliga kismayo
Lewandowski & Ronaldo Oo Madaxa Islagalay, Xilli Xulalka Poland v Portugal Luqunta Islagaleen.
Poland iyo Portugal ay isku arki doonaan wareegasideed dhamaadka ee tartanka Euro 2016 ka dib markii ay labada xul ka soo gudbeen xulalka Switzerland iyo Croatia.Waxa uu noqon doonaa Mid CLASSICO AH, Kulanka wareega sideeda ee labadaan kooxood ayaa waxa uu dhacayaa maalinta khamiista 30ka bishaan Juun iyadoo ciyaarta ay ka dhici doonto garoonkaStade Vélodrome ee magaalada Marseille saacada geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo.Xulka Poland ayaa 120 daqiiqo oo ay kubad adag la ciyaartay ka dib waxa ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen xulka Switzerland kuwaasoo inta badan gacanta sarre lahaa ciyaarta, laakiin xulka Poland ayaa rigoore 5-4 ku badiyay ka dib gool ku laad uu Switzerland ka qasaariyay Granit Xhaka taasoo keentay inay iska u soo gudbaan wareega xiga.Xulka Wiilka Madrid ee Portugal ayaa iyagana u soo gudbay wareega sideeda ka dib markii ay gool iyo waxba kaga badiyeen xulka Croatia dhamaadka waqtigii dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray, iyadoo Ricardo Quaresma uu dhaliyay goolka guusha xilli danbe.
Sawirada iyo magacyada xulka gobolka jubbada hooae aga qeyb galaybtartankii 1973
Shabakada ciyaaraha kismayo sports waxe nasiib u yeelatay ine hesho sawirada iyo magacyada xulkii wacdaraha ka dhigay tartamada ciyaaraha gobbolada ee somalia
Ka Dib 120 Daqiiqo Portugal Oo Goostay Tikidkooda Sideed Dhamaadka EURO 2016, Quarezma Oo Ciyaartaan Go’aamiyeyDaqiiqadihii Ugu Dambeeyey, Iyo Croatia Oo Looga Oohiyey Luguna Ciqaabay Fursadihii Ay Iska Qasaariyeen.
Xulka Portugal ayaa si dhib badan ku carbuuntay Tikidkooda wareega sideed dhamaadka EURO 2016, ka dib markii ciyaar 120 daqiiqo la isku raftay 1: 0 uga oohiyeen xulka Croatia.Labada xul ayaa ku biloowday qaab ciyaareed daafac ku dhisan qaybta hore ee ciyaarta iyadoona xulalka Portugal iyo Croatia u ekaayeen kuwo kala baqaya.Fursada keliya ee qaybta hore ciyaarta timid ayaa waxaa helay xiddiga daafaca xulka Portugal ee Pepe kaas oo kubad gool loo fishay oogada sare mariyey.Barbaro 0:0 ah ayaa lugu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta ka dib ciyaar lugu hurdooday oo labada xul aoo bandhigeen.Markii la isku laabtay qabta dambe ee ciyaata xulka Croatia ayaa lasol bwxau qaybta dambe iyagoona hawada ka qariyey.Fursadii ugu horaysay qaybta dambe ayaa waxa helay xiddiga numberka 21-aad u wata xulka Croatia ee Vita kaas oo kubad gool loo fishay oogada sare mariyey.Renato Sanchez iyo William Carvalho ayaa ahaa labada wiil ee xulka Portugal sida dayaxa uga birqayey, Carvalho ayaa kala xirtay khadka dhexe ee ciyaarta halka wiilka cusub ee Bayern Munich Renato uu kala dhantaalay daafaca xulka Croatia.Ka dib ciyaaar kale oo kubad hayn iyo daafac adayg iyo taageerayaal xamaasadaysan u badnayd ayaa keentay in 90-ka daqiiqo kusoo dhamaato 0:0, C.ronaldo oo ahaa ninka xulkiisa ku tashanayeen ayaa ciyaarta marqaati ka ahaa mana jirin wax isku day ah oo uu sameeyey ciyaarta, ugu dambayn coyaarta ayaa lugu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah si labada xul u kala baxaan.Markii la isku laabtay ciyaarta xulka Croatia ayaa sii watay qaab ciyaareedkooda fiican, halka Ricardo Queresma oo bedel loogu keenay Portugal qaybta dambe ee ciyaarta wax badan ka bedalay.Fursadii ugu fiicnayd ee daqiiqadaaan ayaa waxa helay xiddiga Vita kaas oo kubad Koorno ahayd oo lasoo qaaday madaxeeyey, goolhayaha Portugal oo qalad sameeyey ayaana qalad wayn ku lahaa isagoo kubadii uu soo doontay la dabi mariyey, laakiin nasiib daro si ciriiri ah ayeey oogada sare kumartay.Laakiin Ugu Dambayn daqiiqadii 117-aad ee ciyaarta ayaa la kala baxay, Ronaldo ayaa soo qaatay kubad weerar celis ah, waxana uu farta ka saaray Renato kaas kubadda si cajiib leh usoo jiitay, waxa uu farta ka saaray Nani kaas oo kubadii uu darbeeyey u tagtay Ronaldo, xiddiga Real ayaa waxaa iami daygiisii ka diiday goolhayaha Croatia, laakiin kubadii soo laabatay ayaa waxaa ku celiyey Ricardo Quarezman kaas oo dhaliyey goolka muhiimka ahaa ee ciyaartaan dilay.Croatia iska dhiibin waxay heleen labo fursadood oo halis ah oo.ciyaart kusoo laaaban kareen, laakiin daafaca Portugal ayaa diiday inay iska beeldareeyaan fursadaan kuwaas oo si wayn goolkooda u difaacday.Vida ayeey hurdo kala tegayaan caawa ka dib markii daqiiqdii ugu dambaysay uu fursad halis ah xulkiisa Croatia ka beeldareeyey, waxana ciyaarta ugu dambayn kusoo dhamaatay 1:0 oo ay guusja ku raacsay Portugal.
Saturday, June 25, 2016
Tariikhda ciyaaraha ee kismayo from A to Z.....
Allkisima)-Sida ay taariikhda qoreyso G/J/Hoose waxaa uu soo maray heerar kala duwan dhanka K/Cagta waxaana xusid mudan in laga sheekeeyoguulihii laga gaaray K/cagta sannadihii toddobaatameeyadii.Sannadka markuu ahaa 1973-xulkii G/J/Hoose kismaayo waxa uu ahaa xul lagu kalsoonyahay ooay u xuleen dad aad ugu xeeldheeraa macluumaadka K/Cagta isla-markaana hiwaayaddoodu ay aheyd K/Cagta.Waxaa xusid mudan oo Raggaas Ka mid ahaa oo sanadikii 1973dii una sabab ahaa guulihii la gaaray marka laga tago laacibintii sannad-ciyaaraadkaas K/Cagta ee gobolka J/Hoose waxaa ka mida ahaa:-1-Marxuum Geelle Cilmi Faahiye-(Kaba-jiiq).2-Marxuum/C/llahi Max’ed Aden Antonio.3-Mr-Barroodi-(ITALIAN-SOMALIAN).4-Mr-CARLO-ITALIAN-SOMALIAN).5-Mr-C/Qaadir Max’ed Cali-(Macallin-Qariidi).Affarta nin oo aan Magacyadooda halkan ku xusnay ee Guddigii sannadkaas xulka xushay waxaa shan ku ahaa Macallinkii sannadkaa (C/Qaadir Max’ed Cali=Qariidi).ee Sannadkaas 1973-Sida sawirka ka muuqata.Waxaa xusid mudan oo sannadkaas aad u xiisaa badnaa ciyaarihii gobollada K/Cagta sannadkaas 1973dii,haddaii aan wax yar aan ka shakeyno isla-sanndkaa markii ay isku soo hareen SEMI-FINALE kooxaha Kala ah:-(A)-Banaadir & Hargeysa.(B)-Kismaayo & BURCO.Haddaba Semi finaalahaas isaga ah oo ay isugu soo bexeen 4ta Kooxood ee kor aannu ku xusanay ,waxaa cayaartii koowaad ay dhex-martay hargeysa & Banaadir waxaana waqtigii loogu tala-galay ay ku dhamaatay (1-0)..Oo ay guushu ku raacday-G/W/Galbeed ee hargeysa oo usoo istaagay Finaale.Cayaartii labaad ee maalintii labaad ayaa waxa ay dhex-martay Gobollada J/Hoose & Togdheer oo aad u kululeed waxaana xilligii loogu tala-galay ayku soo geba-gabowday (2-1)..oo Ay guushu ku Raacday G/J/Hoose Kismaayo-Oo noqday Kooxdii labaad oo Fiinaale U-soo istaaga,waxaana goolashaas ukala -saxiixay mr-Xassan Cafiifi Yaxya oo isagu ka ciyaarayey NO:-(7),Goolkii labaadna waxaa u saxiixay magaalada kismaayo (Mr-Abshir Shire Muuse(BIDDE)-galbtaas dadka taageera kismaayo waxa ay ula-bexeen magac waxaana uu ahaa (ABSHIR-BIDDE &BURCO,waayo goolkii burco ay ku hareen ayuu ka dhaliyey.Waxaa kale galabahaas Xusid mudan in dalka Soamalia magaala madaxdisa muqdisho ay ku sugnaayeen koox ka socotay dalka(BARAZIL Oo Lagu magacaabi jirey ABC-NATAL)-waxaana ay codsadeen in ay kismaayo la cayaari-doonaan markii ciyaaraha gobollada ay dhammaadaan waxaana ay qalinka ku duugeen macallimiintii wattay kooxdaas in kismaayo ay koobka qaadayaan,oo aan la celin karin,isla-markaana ay ka sarreeyaan ciyaaraha heer gobol.Waxaa kale oo xusid mudan in affar maalmood la nastay oo cayaartii kama dambeysta aheyd ee J/Hoose & W/Galbeed ay ka soo qeyb-galeen M/weynihii dalka somalia xilligaas marxuum Max’ed Siyaad Barre & M/weynihii dalka UGanda Ee Xilligaas Marxuum..Al-xaji IDDI AMINI Dada,& Marti sharaf kale & Dadweyne faro-badan STADIOKonis Muqdisho.Haddaba galbtaas markii ay billaabatay cayaartaas fiinalaha aheyd sida la wada rumeysanyahay cayaartaas waxa ay aheyd mid aad u-xiiso badan,waxaana aad looga yaabay galbtaas labada kooxood ee Hargeysa & Kismaayo waayo waxa Ay muujiyeen cayaar aad u-dag,oo farsamadeedu aanay sahlaneen,waxaana xusid mudan in cayaarta qeybteedii hore ay ku dhamaatay (0&0).Qeybtii labaad ee Ciyaarta,oo inta badan dadka ayrumeysnaayeen in ay noqoneyso RIGOORAYAAL-ayaa xaalkaas waxaa Gashaanka ku dhuftay(Mr-Ibraahim Axmed Cali “SHAASH”-oo xilligaas ahaa -gool-dhaliyihii koowaad ee G/J/Hoose waxaana uu ka cayaarayey No:-9aad daqiiqaddii 61aad,waxaana cayaartii galabtaas ay ku soo geba-gaboowday 1-gool & 0)-oo ay kismaayo guushu vku raacday.Dhammaan xaaladahan & guulaha la-taaban karowaxa ay markhaati ka yihiin in maamulka (SPORTI-ee G/J/Hoose..Gaar K/Cagta)-uu ahaa mid caddaalad ku dhisan,oo musuq-Maasuq uusan ku jirin,sannaddii 1973dii.,Waloow sannadihii dambe gaar ahaan 19078ddii wixii ka mdambeeyey uu jirey jmusuqmaasuq aadloo qarinaayey.Ugu dambeyntiina galabtaas G/J/Hoose waxaa halkaas koobka horyaalka K/Cagta Gobollada Dalka Somaliya ku guddoonsiiyey M/weynihii Ummadda Soomaaliyeed Marxuum-(Max’ed Siyaad Barre).XUSID…GAAR AH:-Xulkii sannadkaas & Magacyadii Raggaas waa sidan hoos ku Qoran waxaana ka mid ah:-.KOr-Ragga Taagan waa difaacii sannadkaas sida ay u-dhanyihiin,kuwa fadhiya kulli waa weerarkii marka laga saaro Goolhayihii labaad eeSannadkaas……………..1973.Mr-GUHAAD
Dib U-Eegid: Goorma Ayeey Ahayd Markii Ugu Horaysay Ee Xulka Walez Gaareen Sideed Dhamaadka Tartan Wayn?
Xulka Walez ayaa sii wata Riyadooda cajiibka ah ee sanadkaan tartanka EURO 2016, iyagoona goostay tikidkooda wareega sideed dhamaadka.Gareth Bale ayaa gacan ku lahaa goolka uu iska dhaliyey Gareth McAuley kaas oo ka oohisiiyey xulkiisa North Ireland ka dib markii uu xulkiisa si qalad ah uga dhaliyey goolka ay ku hareen.Hadaba shabakada ciyaaraha we kismayo sports ayaa xusaysa in markii ugu dambaysay ee xulka Walez gaaraan Sideed dhamaadka tartan wayn ahayd sanadkio 1958, koobkii aduunka ee xilligaas, waana meesha ugu wayn ee ay tartan wayn ka gaareen.
Poland Oo Switzerland Ka Abaal Marisay Fursadihihii Ay Qasaariyeen, Ka Dib 120 Daqiiqo Waxa Ay Ku Reebeen Rigoyaal Ay Isaga Xaadiriyeen Wareegga 8-da Ee Euro
Switzerland ayaa nasiinada loogu diray hal gool oo cajiib ahaa oo laga dhaliyay daqiiqadii 39-aad ee dhamaadka ciyaarta .Qeybta hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid isu dheelitiran oo ma jirin qaran si gooni u maamulyay ciyaarta waxa ayna aheyd mid u furan labada dhinac .Waxaa jiray fursado Switzerland iyo Poland iska qasaariyeen oo natiijada ciyaarta wax ka badali lahaa .Qeybtii labaad guud ahaan hal dhinac ayay ciyaarta aheyd waxaana si gooni u weerarar tamayay Switzerland kuwaasi oo kaliya oo uu ka maqnaa dhameytirka goolka .Kubadda waxaa si weyn u haysatay Switzerland halka Poland ay xerteen daafac adag halka ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .Xherdan Shaqiri iyo Admir Mehmed ayaa dhigayay wacdaro waxa ayna ciqaabeen Poland xilli Shaqiri gool ay u diiday birta balse sida hanaanka ciyaarta ay u wadeen waxa ay ahaayeen kuwo mudan in ay heleen goolka bar bar dhac .Xherdan Shaqiri dadaalkiisa waxa uu ku keenay inqarankiisa ugu dhaliyo goolka ugu qurxoon illaa haatan tartanka koobka qaramada yurub waxa uuna Poland ka dhaliyay gool cajiib ah oo maqas ahaa kaasi oo yimid daqiiqaddii 82-aad ee dhamaadka ciyaartaKa dib goolkaas saaxibada Xherdan Shaqiri waxaa laga filan karay goolka guusha oo cadaadis ayay sii saareen Poland balse nasiibka ayaa diiday waxa ayna ku dhaamatay bar bar dhac iyadoo lagu daray waqtiga dheeriga ee kala baxa .Waqtigii dheeriga ee qeybtiisa hore mar kale waxa ay labada qaran ku kala baxeen min halkii gool mana jrin halis gilin gaar ah oo dhacday .Switzerland qeybtii labaad ee waqtiga dheeriga fursado ayay iska cuneen halka goolhayaha Poland uu dhuunta u galay , waxaan guud ahaan wacnaa Switzerland waxa ayna ugu dambeyn aadeen rigooro tuurasho.Darabadii ugu horeeysay waxaa qaatay Switzerland waa ayna dhaliyeen halka laadkii 1-aad ee Poland-na ay dhaliyeen waxaana sidaas sameeyay Robert LewandowskiDarbadii labaad ee Switzerland waxaa laaday Granit Xhaka waana laga qabtay halka Poland ay dhaliyeen waxaana sidaas sameeyay Arkadiusz Milik, waxa ayn guud ahaan ku dhamaatay 4/5 oo ay guusha ku raacday Poland , waxa ay kooxda.com xuseysaa in Poland u tahay markii ugu horeeysay ee ay soo gaaraan taariikhdooda wareegga 8-da ee koobka qaramada yurub
Christian Benteke oo kusii dhawanaya inuu iskaga tago kooxda liverpool
Weerar yahanka reer Belgium ee kooxda Liverpool Christian Benteke ayaa ku sii dhawaanaya inuu isaga tago kooxdiisa Liverpool xaggaagan.
Star ayaa daaha ka qaaday in Liverpool ay aad ugu sii dhawaanayso saxiixa weerar yahanka Southampton ee Sadio Mane kaas oo soo jiitay indhaha tababare Klopp.
Liverpool ayaa diyaar la ah 30 milyan oo Ginni laakiin Southampton ayaa aaminsan in Sadio Mane uusan kooxda uga tagikarin wax kayar 40 milyan oo Ginni.
Saxiixa Mane ee kooxda Liverpool ayaa wadada u furaya Christian Benteke inuu isaga tago garoonka Anfield oo uu ku qaatay kaliya hal xiliciyaareed.Christian Benteke ayaa uga soo dhaqaaqayLiverpool kooxda Aston Villa xaggaagii hore markaas oo Reds ay miiska saartay 32.5 milyan oo Ginni.
Shaxda ciyaarta galabta ay wada ciyari donan sweazerland and polland
Waxa qoray heybe abdikadir sulekan: June 25,2016.Waxa maanta bilaabmaya wareega 16ka ee tartanka Euro 2016 oo ka socda dalka france waxa maanta fooda is dari doona xulalka Switzerland iyo Poland oo labada xulba isha ku hayaan wareega xiga ee tartanka.Xulka Switzerland shaqo adag ayaa sugaysa maadaama ayna xulka Poland ka badin sadexdii kulan ee ugu dambeeyay iyaga laba kulan guuldaro ka soo gaadhay halka hal kulan ay barbaro ku kala bexeen.Shaxda Rasmiga Ah Ee Labda Xul:Switzerland:Sommer; Lichtsteiner, Schär, Djourou, Rodriguez; Behrami, Dzemaili, Xhaka; Shaqiri, Seferovic, Mehmedi.
Poland:Fabianski; Piszczek, Pazdan, Glik, Jedrzejczyk; Blaszczykowski, Maczynski, Krychowiak, Grosicki; Milik, Lewandowski
Poland:Fabianski; Piszczek, Pazdan, Glik, Jedrzejczyk; Blaszczykowski, Maczynski, Krychowiak, Grosicki; Milik, Lewandowski
Jose mourinho oo xidiga labaad kula dagalamayo kooxdisii hore ee real madrid
WaxJose Mourinho ayaa dhawr todobaad ka hor RealMadrid kaga adkaaday arintii suuqa kala iibisagaxagagii hore ugu waynayd ee David De Gea. Wuxuuna Mourinho si toos ah ula hadlay De Gea oo uu ku qanciyay in uu Old Traffrod sii joogo isla markaana uu indhaha ka qabsado kooxda Real Madrid oo si wayn u doonaysay goolhayaharee Spain.Mourinho ayaa markale si toos ah ula hadlay xidiga ree France iyo kooxda Juventus ee Paul Pogba si uu ugu qanciyo in uu doorto Manchester United. Mourinho ayaa door wayn kaciyaaraya in Red Devils ay dib ula soo wareegto da’yar ay sanadkii 2012 kii iska dayacday. Man United ayaa 120 milyan oo euros kula soo wareegaysa Pogba si ay Real Madrid ugu garaacdo saxiixa xidiga ree France.Pogba ayaa doonaya in uu 12 milyan oo euros ooayna cashuurtu ku jirin uu sanadkii mushaar u qaato taas oo haddii u Real Madrid ku biiri lahaa ka dhigi lahayd xidiga labaad ee ugu mushaarka qaalisa waxaana ka horayn kara Cristiano Ronaldo oo kaliya. Balse Manchester United ayaa sidoo kale mushaar qaali ah ku soo xero galinaysa xidiga xulka qaranka France ee Pogba.Inkasta oo wakiilka Pual Pogba ee Mino Raiola uu xaqiijiyay in Real Madrid ay wada xaajood kula jirto Juventus, haddana wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Man United ay noqonayso kooxda ugu horaysa ee Juventus miiska u saaraysa lacagta 120 milyan ee euros ah ee ay dul dhigtay ma
Ciyaaryahanka da'da yar ee Arsenal oo loo magacabay .......
Ciyaaryahanka da'da yar ee kooxda Arsenal Alex Ilowi ayaa loo magacaabay ciyaartoyda xulka Nigeria aga qeyb gali doono koobka olombikada aduunka kaso lagu balan sanyahay in uu ka furmo dalka Barazil.
Ciyaaryahankan Ku dhashay dalka magalada Lagos ee dalka Nigeria aya Ku barbaaray dalka englishka kadib markii walidiintisa kaso hajireen dalkoda hooyo.
Sikastaba ha ahatee waxaanu dhowrnaa waa bandhiga uu soo bandhigo ciyaryahankan da'da yar
Ciyaaryahankan Ku dhashay dalka magalada Lagos ee dalka Nigeria aya Ku barbaaray dalka englishka kadib markii walidiintisa kaso hajireen dalkoda hooyo.
Sikastaba ha ahatee waxaanu dhowrnaa waa bandhiga uu soo bandhigo ciyaryahankan da'da yar
Kulamada koobka qarada yurub wareega 16ka oo manta LA dheeli doono .......
Iyadoo loo soo gudbay wareega 16ka ee kulamada qarada yurub ayaa waxee kooxaha galabta ilaa cawa isku arki doonan sidan
Swezerland vs Poland 16:00 xiliga kismayo
Wales vs north Ireland 17:00 xiliga kismayo
Croatia vs Portugal. 22:00 xiliga kismayo
Swezerland vs Poland 16:00 xiliga kismayo
Wales vs north Ireland 17:00 xiliga kismayo
Croatia vs Portugal. 22:00 xiliga kismayo
Wararkii igu dambeye ee suuqa kala iibsiga horyaalka England
Maalin Wanaagsan, Ramadan Kareem meel kasta oo aad joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, ku soo dhawaada barnaamijkeena taxanaha ee aan idiin kugu soo gudbino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, anagoo isha soo marinay inta badanwarbaahinta Yurub.Manchester United ayaa dagaal weyn kula jirta kooxda Real Madrid oo ku aadan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba. (The Sun)Barcelona ayaa ku dhawaaqi doonta saxiixa Samuel Umtiti oo ay kala soo wareegayaan Lyon maalmaha soo socda. Daafaca Faransiiska oo 22 sanno jir ah ayaa lala xiriirinayay kooxaha Tottenham iyo West Ham. (The Sun)Barcelona iyo tababare Luis Enrique ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegaan weeraryahanka Sevilla Kevin Gameiro marka ay xaqiijistaan mustaqbalka Neymar ee Camp Nou. (Daily Mail)
Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab 23 milyan ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Sporting Lisbon Islam Slimani ka dib markii ay ku hungoobeen Jamie Vardy. (Daily Star)Xiddiga kooxda Real Madrid James Rodriguez oo 24 sanno jir ah ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda ku guuleysatay Champions League oo uu ku biiri karo Man United laakiin waa haddii kooxda Old Trafford ka dhisan ay diyaar u tahay inay bixiso 50 milyan ginni. (Daily Mirror)Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso 22 sanno jirka daafaca kooxda Everton John Stones, halka kooxda Everton ayaa rajo ka qabto in 75 milyan ginni oo ay duldhigtay Romelu Lukaku inay keeni doonto in kooxaha xiiseynaya ay ka leexdaan 23 jirkaan. (Daily Express)Dhanka kale, Lukaku ayaa sheegay inuu deynayo wakiilkiisa inuu xaliyo mustaqbalkiisa. Xiddiga reer Belgium ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Chelsea. (Sky Sports)West Brom ayaa wadahadalo kula jirta Palermo oo ku aadan heshiis 14 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso kubadsameeyaha 27 sanno jirka ah Franco Vazquez, kaasoo ay kooxdiisa ku qiimeyneyso 19 milyan ginni. (Calcionews24)Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in kubadsameeyaha West Ham Dimitri Payet oo 29 sanno jir ah inuu horumarin karo koox kasta oo Yurub ka dhisan. (Daily Mirror)Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola ayaa taleefanka ka wacay xiddiga dhibtoonaya ee Ingariiska Raheem Sterling oo 21sanno jir ah. Sterling ayaa waxaa ku ooriyay qeybo ka mid ah jaamahiirta England kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Wales, mana uusan ciyaarin kulankii Slovakia. (The Guardian)Macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaala siiyay howl ah inuu kooxda ku soo celiyo afarta kaalimood ee ugu sareeya Premier League. Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta 10aad xilli ciyaareedkii hore. (Daily Mail)Sunderland, Manchester United, Everton iyo Sunderland ayaa dhamaantood ceyrsanaya xiddiga 21 sanno jirka Turkiga Ozan Tufan. Xiddiga khadka dhexe ee Fenerbahce ayaa dhaliyay gool kulankii ay dalkiisa 2-0 kaga badiyeen Czech Republic ee ciyaaraha Euro 2016. (Chronicle)Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer Spain Alvaro Morata oo 23 jir ah. Real Madrid ayaa dib u soo ceshatay weeraryahanka laakiin waxaa la filayaa inay sii iibiyaan weliba lacag faa’ido ah. (Squawka)Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis 30 milyan ginni ah kula soo wareegto xiddiga SouthamptonSadio Mane taasoo ku riixeysa Christian Bentekeinuu isaga tago Anfield. (Daily Mirror)
Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab 23 milyan ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Sporting Lisbon Islam Slimani ka dib markii ay ku hungoobeen Jamie Vardy. (Daily Star)Xiddiga kooxda Real Madrid James Rodriguez oo 24 sanno jir ah ayaa loo sheegay inuu ka tagi karo kooxda ku guuleysatay Champions League oo uu ku biiri karo Man United laakiin waa haddii kooxda Old Trafford ka dhisan ay diyaar u tahay inay bixiso 50 milyan ginni. (Daily Mirror)Manchester City ayaa isku diyaarineysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso 22 sanno jirka daafaca kooxda Everton John Stones, halka kooxda Everton ayaa rajo ka qabto in 75 milyan ginni oo ay duldhigtay Romelu Lukaku inay keeni doonto in kooxaha xiiseynaya ay ka leexdaan 23 jirkaan. (Daily Express)Dhanka kale, Lukaku ayaa sheegay inuu deynayo wakiilkiisa inuu xaliyo mustaqbalkiisa. Xiddiga reer Belgium ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo Chelsea. (Sky Sports)West Brom ayaa wadahadalo kula jirta Palermo oo ku aadan heshiis 14 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso kubadsameeyaha 27 sanno jirka ah Franco Vazquez, kaasoo ay kooxdiisa ku qiimeyneyso 19 milyan ginni. (Calcionews24)Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay in kubadsameeyaha West Ham Dimitri Payet oo 29 sanno jir ah inuu horumarin karo koox kasta oo Yurub ka dhisan. (Daily Mirror)Tababaraha cusub ee Manchester City Pep Guardiola ayaa taleefanka ka wacay xiddiga dhibtoonaya ee Ingariiska Raheem Sterling oo 21sanno jir ah. Sterling ayaa waxaa ku ooriyay qeybo ka mid ah jaamahiirta England kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Wales, mana uusan ciyaarin kulankii Slovakia. (The Guardian)Macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte ayaala siiyay howl ah inuu kooxda ku soo celiyo afarta kaalimood ee ugu sareeya Premier League. Blues ayaa ku dhameysatay kaalinta 10aad xilli ciyaareedkii hore. (Daily Mail)Sunderland, Manchester United, Everton iyo Sunderland ayaa dhamaantood ceyrsanaya xiddiga 21 sanno jirka Turkiga Ozan Tufan. Xiddiga khadka dhexe ee Fenerbahce ayaa dhaliyay gool kulankii ay dalkiisa 2-0 kaga badiyeen Czech Republic ee ciyaaraha Euro 2016. (Chronicle)Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer Spain Alvaro Morata oo 23 jir ah. Real Madrid ayaa dib u soo ceshatay weeraryahanka laakiin waxaa la filayaa inay sii iibiyaan weliba lacag faa’ido ah. (Squawka)Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis 30 milyan ginni ah kula soo wareegto xiddiga SouthamptonSadio Mane taasoo ku riixeysa Christian Bentekeinuu isaga tago Anfield. (Daily Mirror)
van Rakitić : Ronaldo Far Ma Dhaqaajin Karo Haddii Hal Arin Uu Waayo Caawa”.
Qadka dhexe kooxda Barcelona ee Ivan Rakitić ayaa hoosta ka xariiqay in ciyaartooyda qaranka Portugal ay yihiin kuwo halis ah .Hadalkaan ayaa imaanaya ka hor kulanka caawa ay wada ciyaarayaan qaramada Portugal iyo Croatia ee wareegga 16-ka koobka qaramada yurub .” Ronaldo dhowr jeer ayaan Barcelona uga hor tagay waana ogahay waxa uu awoodo in uu samaeeyo balse far ma dhaqaajin karo iyadoo uusan saaxibadiisa taageero ka heleyn”.“Waxaan kulankaas galeynaa iyadoo aan nahahaydiyaar buuxa , waxaan dooneynaa in aan dagaalanno illaa dhamaadka , waxaan dooneynaain aan u ciyaarno qaabkii aan uga hor tagnay Spain mana is dhigan doonno kulankaan” ayuu yiri qadkaan dhexe Barcelona” Kulankaan oo kale qalad yar oo kaa dhaca ayaa kuugu keenaya guul darro waxaana inaga go`an in aan ka hor tagno” ayuu sii raaciyay Ivan Rakitić
Friday, June 24, 2016
Falanqeyaha shabakada ciyaaraha ee kismayo sports ayaa shegay dhaliyaha ugu xumaa
Heybe cabdulqadir oo ah qabiir ka faalooda kubada cagta iska markane ah falanqeyaha shabakada kismayo sports ayaa aminsan in uu yahay dhaliyihi ugu xumaa sanadki lasoo dhafay inu yahay bebteke oo u dheela kooxda Liverpool. Sikastaba ha ahate hadalkan kaso yeray shabakada wararka ciyaraha ka falanqoto ee kismayo sports ayaa LA aminsan yahay ine tahay mid xaqiiqda u dhow
Ronaldo oo ka hadlay kulanka xulkisa LA ciyaari doono xulka croatia
Xiddiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay ciyaarta uu xulka qarankiisu la ciyaari doono xulka qaranka Croatia wareega 16ka ee Euro 2016.Ronaldo ayaa u sheegay waregyska Football ee ka soo baxa Spain”xul kasta awood uma laha in uu garaaco xulka qaranka Spain waa in aan Ixtiraamnaa xulka Croatia waa xul fiican oo aad u awood weyn”Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan isku dayi doonaa inaan ku guuleysano laakiin ma noqon doono kulan fudud anaguna ma rabno inaan lumino fursad aan ugu gudbi karno wareega xiga ee tartankan”Xiddigan ayaa hadalkiisa ku soo xidhay” U jeedadeenu waxa ay ahayd in aan ka badino xulkaHungary laakiin taasi ma aysan dhicin waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa in aan u gudbno wareega 16ka taasina way dhacday waxan rajaynayay in aan ku baxno kaalinta labaad laakiin Iceland ayaa ka guuleystay xulka Austria.Ronaldo ayaa dhaliyay 2 ka mid ah 3-dii gool ee xulka qarankiisu ka dhaliyay ciyaartii ay barbarahaku kala bexeen xulka qaranaka Hungary.
Macalinka xulka talyaaniga oo hanjabaad tii ugu weyneed hawada u mariye xulka spain
Macalinka xulka Talyaaniga ee Antonio Conte ayaa hawada ku laalay wararka sheegaya inay dareemayaan cabsi ka dib markii xulkiisa lugu beegay xulka koobkaaan qaaday labadii jeer ee ugu dambaysay ee Le Rojja Spain.Kulanka ugu shidan wareega 16-ka ee EURO 2016ayaa ah kulanka u dhaxayn doona xulalka Spain iyo Italy oo markale is wajahi doona,ka dib markii Talyaaniga koobkaan 4:0 lagaga qaaday markii ugu dambaysay, waxana macalin Conte hada sheegay inay u baahan yahay keliya 10-ka daqiiqoee ugu horaysa.“Waxaan maqlay warar sheegaya inay wiilashayda ka cabsanayaan xulka Spain oo aan ku aadnay wareega 16-ka, markii aan maqlay marka hore waan qoslay,laakiin malaha 10-ka daqiiqo ee ugu horeeya ayaan u baahanahay si aan iyaga uga taqalusno” ayuu Conte si kaftan ah ku yiriIsagoo hadalkiis sii wata ayuu sii raaciyey “Maxaakeenaya inaan dareeno cabsi? wiilashaan waxay soo bandhigayaan wax walba oo karaankooda ah sifiican ayeeyna u shaqaynayaan, waa inaan siiwadnaa shaqada”
UEFA oo soo sartay xidiga igu wanagsana koobka qaramada Yurub heerka group yada
UEFA ayaa ku dhawaaqay ciyaartoyda ugu fiican ee wareega group-yada iyoo Payet oo loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican kadib markii uu soo bandhigay qaab citaareed soo jiitay indhaha caalamka 3-dii kulan ee uu u ciyaaray kulkan qaranka France.Payet ayaa xulka qarankiisa france ku hogaamiyay in ay si dhib yar ugu gudbaan wareega 16ka isaga oo xiddigan dhaliyay laba gool halka uu caawiye ka ahaa goolkii ugu horeeyay ee xulka qarankiisu ka dhaliyay ciyaartii Furitaanka ee ay la ciyaarayee xulka qaranka Romania.Xiddigan ayaa ka horeeya labada xiddig ee GarethBale iyo Toni Kroos oo iyaga laftoodu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo xulalkood ka caawiyay in ay u gudbaan wareega 16ka oo la ciyaari doono maalinta sabtida.Payet ayaa ku guulaystay xiddiga ciyaata dhamaan kulamadii uu u ciyaaray xulka qarankiisa france kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay dhamaan kulamadii Group-yada ee xulkiisu ciyaaray.
Laacibka Rinaldo oo xiiso u qabo in labo kooxood midkood uu finalka koobka yurub isku arkaan
Ronaldo ayaa muujiyay xamaasadda uu u qabo in sanadkaan qarankiisa gaaraan finalka koobka qaramada yurub oo ay haatan u gudbeen wareeggiisa 16-kaWaxa uu laacibkaan wareysi uu siiyay Le 10 Sportsidoo kale shaaca kaga qaaday qaramada uu rajeynayo in ay finalka isku arkaan” Dhab ahaan waxaan dooneynaa in aan isku aadno finalka qaran adag sida Spain iyo France”.“Waxaa naga go`aan oo aan ka shaqeyneynaa in aan gaarno finalka , runtii haddii ay dhacdo waxaan dooneynaa qaran adag midkood France ama Spain” ayuu sii raaciyay RonaldoPortugal ayaa beri waxa ay kulan waregega 16-ka koobka qaramada yurub la ciyaarayaan Croatia
Kooxda lugu baxsi oo guud ahaan boorsooyinkoda kaso xerxertay.....
Kooxda lugu baxsi fc ayaa guud ahaan iskaga soo hartay koobka Ramadan cup oo kasoconaya magalada kismayo. Kadib narkii ay guul daro qaraar ay kala kulantay kooxda xooga badan ee kaneva, waxana looga adkaday 1iyo 0 iyadona uu goalka qura uu u dhaliye laacibka heerka qaran ee deqow aaryo. Yelkede kooxda lugu baxsi ayaa weli wax war ah kaso sarin guuldaradas qaraar. Walow warar hoose oo aan ka heleeno kooxda ay shegayaan in kooxda khilaaf ba'an ka dhax taagan yahay iminka, qilaafkas oo ka dhashay marka ciyaartoyda qaarkod ay soo jediyeen in keydka LA geliyo laacibka QATKA dhexe ee kooxda kaaso oo lagu magacabo heybe oo LA shegayo in bandhig fiican kooxda Ku hesan,iyadoo ay jiraan tiro ciyartooy ah oo aga wanagsan booskas.